XOG: Xalay ilaa Saaka Ololahii Ugu weynaa oo ka socda Muqdisho & Suuqa kala iibsiga Xildhibaanada…


Xalay ilaa Saaka waxaa meel Xasaasi ah maraya loolanka iyo kala iibsiga Xildhibaanada Codka siin doona Musharaxiinta Xilka M/weynaha Somalia.

Ololaha Ugu Xoogan ayaa ka socda Hotelka Jaziira halkaasi oo saldhig u ah musharaxiinta midoobay ee kasoo horjeeda Xasan sheekh iyadoo Xalay Shariif Sheekh Axmed, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo C/qaadir Cosoble Cali ay soo bandhigeyn Awooda dhanka Xildhibaanada,

Xildhibaano badan ayaa lagu arkay hotelka waxaana lagu qiyaasay ilaa 100 xildhibaan inay isu keeneen, kuwaasoo heshiisyo iyo is aragyo la yeelanayay musaharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay bilowdeen lacagaha lagu kala iibsanayo codadka musharixiinta oo ku furmay $100,000 (Boqol kun doolar) xildhibaankii, waxaana la filayaa inuu sare u kaco sicirka codka halkii xildhibaan.

Musharixiin badan ayaa xilligan ay heysataa dhaqaale darro weyn, iyagoo codadka xildhibaanada ku raadinaya heshiisyo hoose, balanqaad jagooyin iyo qorsheyaal kale.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM