XOG: Keating oo diyaariyay Qorshe Halis ku ah Musharaxiinta Xilka M/weynaha ee Wata Lacagta badan…


Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating, ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani uu diyaariyo Guddi si gaara ula socda Doorashada Madaxweynaha Somalia.

Micheal Keating, ayaa lagu wadaa in Guddigaasi uu kasoo dhex xulo Xubnaha Beesha Caalamka u jooga Somalia, iyadoo ujeedka Guddiga lagu sheegay inuu yahay la socodka Doorashada.

Guddigaani ayaaa si dhow ula shaqeyn doona Guddiga Doorashooyinka iyo dhammaan Xubnaha Dowlada uga qeybqaadan doona arrimaha Doorashooyinka, si meesha looga saaro tuhun ku aadan in Musharax gaara gaara loogu shubo Codadka.

Micheal Keating, ayaa dhawaan sheegay in Beesha Caalamka ay si gaara uga gaashaaman doonto in la musuqo Doorashada, waxa uuna tilmaamay in qaab waliba ay ula dagaalami doonaan dhinacyada suuragalin kara Musuqa.

Micheal Keating, ayaa sidoo kale, kamid noqon doona Mas’uuliyiinta dusha sare kala socon doona Doorashada, waxa uuna si dhow xiriir ula sameyn doonaa Guddiga Doorashada mudada ay socto Doorashada.

Taxadarka Beesha Caalamka ayaa imaanaya xili Musharaxiinta ay ka digeen in Beesha Caalamka ay ka mashquusho la socodka Doorashada heerka Madaxweyne.

Dhinaca kale, Micheal Keating, ayaa Guddiyada Doorashada ugu baaqay inay u sinaadan Musharaxiinta maadaama lasiiyay Kalsooni

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM