XOG: itoobiya oo Xoog & Lacag ku bixineysa si aan loo dooran Musharax Soomaalida Jeceshahay…


Sida aan kasoo xiganay xubno xog ogaal ah dowlada itoobiya ayaa xoojisay olole ay xilka M/weynaha ugu diidan tahay Musharax Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ololaha ayaa ah mid xoogan oo laga dhex dareemay Xildhibaanada waxaana lasoo warinayaa in dowlada itoobiya ay fariin qoraal ah usoo dirtay xildhibaano caan ah iyo gudoonka labada aqal.

Ilo ku dhow BFS ayaa inoo sheegay In Itoobiya ay dalbatay in marnaba aan lasoo dooran Maxamed Farmaajo, sababtuna waxay ku sheegeen iney tahay shaqi iyaga neceb.

Waxay ku hanjabeen in Soomaaaliya ay kala laaban doonaan taageerada dhaqaale, sidoo kalena aysan aqbali doonin in marnaba Farmaajo lasoo doorti, waxayna ku cadaadiyeen baarlamaanka in lasoo doorto Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa shalay Baarlamaanka ka hor sheegay in faragalin lagu haayo doorashada oo ay sheekada mareyso wakiilo ajinabi ah in ay muqdisho yimaadaan oo xildhibaanada usheegaan in ay doortan Xasan sheekh Lacagna ay bixin doonaan Balse Farmaajo ayaa yiri”Dalkaan Awoowayaasheen ayaan kasoo gaarnay iibna ma ahan”

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM