XOG: C/weli Gaas Yuu u rabaa Xilka M/weynaha Muxuuse Xamar u yimid…


Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho shalay xili ay wax ka yar 72 saac ka harsantahay doorashada Soomaaliya balse waxaa soo baxaya warar ku saabsan Musharaxa uu u rabo xilka M/weynaha Soomaaliya.

illo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in C/weli Gaas uu dagay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulana uu la yeeshay musharax madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyagoo ka wadahadalay halka ay mareyso ololaha doorashada.

Xildhibaan hore Cabdi Xoosh Jabriil ayaa bartiisa facebook xalay soo dhigay in Gaas u ololeynayo madaxweyne Xasan inuu ku soo labo talada dalka , isagoo Caddeyay in hawlihiisa Puntland uu arintaas darteed uga yimid.

Horey waxa Xasan Sheikh ugu ololeynayey madaxweynaha K/Galbeed Sharif Xasan Sheikh Aadan , madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Hirshabelle Osoble

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : XOG: C/weli Gaas Yuu u rabaa Xilka M/weynaha Muxuuse Xamar u yimid…

  1. axmed says:

    Ma laga yeelayaa hadaba? alla faan badanaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM