WAR CUSUB: Garoonka Aadan Cadde oo laga Mamnuucay in uu ka duulo Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka…


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho la dhigay amar ku aadan inuusan Garoonkaasi ka duuli karin Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo Xildhibaano la socda.

Amarkaan ayaa la sheegay inuu bixiyay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, isaga oo diidan in Xareed iyo Kooxda Xildhibaanada ah ee la socda inay tagaan Magaalada Cadaado.

Xildhibaano ka mid ah wafdiga Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in loo diiday ka duulista Garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanadan ayaa ah kuwa mucaaradsan C/kariin Xuseen Guuleed, hadii ay tagaan Magaalada Cadaado, waxa ay halkaasi ka bilaabi doonaan olole siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug, waana sababta loogu diiday inay tagaan Cadaado.

14 Xildhibaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayuu amarkaan si toos ah ugu socdaa.

C/kariin Xuseen Guuleed oo ku fashilmay hogaaminta maamulka Galmudug, ayaanan dooneyn in fashilkiisa siyaasadeed lagula xisaabtamo, wuxuuna ka dhigay Maamulka Galmudug mid fadhiid ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulkaasi, ayaa la safan C/kariin Xuseen Guuleed, maadaama uu siiyay dhaqaale.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM