Toos U Daawo: khudbad Jeedinta Musharaxiinta Xilka M/weynaha oo bilaabatay…


Waxaa goor dhow xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga wajiga Saddexaad Khudbadaha ay jeedinayaan ilaa 8 Musharax oo ka mid ah 24-ka Musharax ee u taagan qabahsada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xarunta Golaha shacabka waxaa ku sugan 8-da Musharax ee maanta loo qorsheeyay in ay jeediyaan khudbadaha, iyadoo Musharax walba uu khudbadiisa ku jeedinaya waqti ku siman 30-daqiiqo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ku xigeenadiis ayaa ku sugan xarunta ay socoto khudbad jeedinta, si ay ula socdaan Musharaxiinta iyo hadal jeedintooda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAAL TOOS AH:

Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya ayaa waxa ay kala yihiin:-
1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
3.Maxamed Axmed Jabarti
4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
7.Maxamed C/risaaq
8.Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM