SAWIRO+XOG SIRDOON: Xaruunta NISA & Hotel City Palasa oo loo diyaariyay Qaraxyo & Weerar Toos ah…


Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka xarunta taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku taal degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Warbixino sirdoon oo la helay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay diyaarisay gawaari nooca xamuulka ah oo ay la damacsan tahay inay ku weerarto hoteello uu ka mid yahay City Palasa Hotel ee ku yaal kasoo horjeedka xarunta NISA ee habar Khadiijo, dhinacna ku haayo hotelka Global.

Warbixintu oo ah mid ay ka digeen saraakiil Mareykan ah oo amniga kala taliya NISA, waxayna taasi keentay in si weyn loo adkeeyo wadooyinka laga soo galo xarunta NISA iyo hotel City Palasa.

Seddax maalin ka hor oo warbixintaan la helay ayaa waxaa shalay lagu soo wargeliyay Taliyaha NISA Jen. Gaafoow in gaariga qaraxyada lagu diyaariyay uu usoo dhaqaaqay dhinaca Waqooyi ee Muqdisho, waxayna taasi keentay in lagu kala cararo wadada laamiga ee Beexaani ka timaada gashana xarunta NISA, halkaasi oo gaadiidkii yiilay ee ku jiray parking in laga kaxeeyo, waxaana la xiray wadooyinka soo gala xarunta NISA iyo Hotel City Palasa.

Digniintaan ayaa kusoo beegantay xili loo diyaar garoobay doorashada Madaxweynaha oo 8-feb la filayo in ay ka dhacdo Afisyooni.

Shalay gelinkii danbe ayaa labo gaari oo nooca xamuulka ah lagu qabtay degmada Dayniile, gaadiidkaasi oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa, iyadoo aan la ogeyn halka ay kusoo wajahnaayeen.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM