Muqdisho oo caawa kulamo siyaasad oo aan kala joogsi lahayn kasocda iyo xildhibaanada kadhex dilaacday…


Waxa caawa magaalada muqdisho laga dareemayaa mashquul xoogan oo dhanka siyaasada ah waxaana saxmad aan caadi ahayn laga dareemayaa hotelada waa weyn ee kuyaalo magaalada muqdisho.

Kulamo aan kala joogsi lahayn ayaa caawa kasocda hotelada waa weyn halka kuwa kale musharixiinta iyo xildhibaano leeyihiin kulan casho ah oo xod xodasho ah.

Kulan casho ah ay kasoo qeyb galayn in kabadan 100 xildhibaan sida lasheegay ayaa goobta waxa kusugan musharixiinta kala ah Farmaajo,Sheekh Shariif,Cabdiqaadir Cosoble kuwaasi oo lashegaayo in ay wadaan olalahooda doorashada.

Siyaasiyiin u muuqda Dulaaliin ayaa Murashixiinta iyo Xildhibaanadda u kala dab-qaadayo iyo Gorgortanka dhinaca Codadka, si ay Xildhibaanadda codadkooda u hibeeyaan Murashaxa ay taageersan yihiin ee ay Is-fahamka gaareen.

23-Murashax Madaxweyne ayaa la filayaa inay bishan February 8-da oo ku beegan maalinta Arbacadda ee soo socota.ku kala baxaan Doorashadda Madaxweynaha 9-aad ee JFS.

Si kastaba ha ahaatee, Murashixiinta Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Cosoble ayaa waxay muujinayaan inay xeellad kasta ku kasbadaan codadka Xildhibaanadda ugu badan Xildhibaanadda codeyn doonta.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM