DEG DEG: Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug oo loo diiday in uu galo Cadaado.


War degdeg ah oo naga soo gaaray Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Wafdi uu Hogaaminayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo ka duulay Garoonka Aadan Cadde loo diiday in ay ka degaan Garoonka Cadaado,waxaana Diyaaradii waday ay dib ugu soo laabatay Muqdisho.

Warkaan waxaan inoo xaqiijiyay Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda ay Diideen in Guddoomiye Xareed uu ka soo dego Garoonka Cadaado,waxaana sidoo kale jirta in Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo Cadaado ku sugan loo diiday iyaguna in ay galaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.

Weli ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka Galmudug oo ku aadan Wafdiga loo diiday in ay Maanta tagaan Magaalada Cadaado oo Galmudug Caasimad KMG u ah.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM