DEG DEG: Cali khaliif Galeyr oo Gaaray Burco kuna sii wajahan Magaalada Hargeysa…


Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo shalay ciidammo beleed Buuhoodle ku sugan ay u diideen in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ayaa xalay goor dambe gaaray magaalada Burco isaga oo dhulka ku safray.

Cali Khaliif iyo wafti uu hogaaminayo oo ka tirsan maamulka Khaatumo oo mudaba saldhigiisu ahaa Buuhoodle ayaa diyaarad ka raaci lahaa shalay magaaladaasi si ay Jabuuti uga qaybgalaan wadahadallo u socday Somaliland iyo Khaatumo.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa xaqiijiyay warkan Wuxuuna sheegay in Galayr uu ku sii jeedo magaalada Hargeysa.

Cabdifataax Baydan oo ah taliyaha ciidan beeleedkii Buuhoodle ku xanibay Galayr shalay ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn wadahadalada uu kula jiro Somaliland.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM