Dab xoogan oo caawa kasocda xerada Qaxootiga Xagardheer xili ay…


Sida ay sheegayan wararka aan xiligaan ka heleyno xerada qaxootiga ee xagardheer oo katirsan dhadhaab ayaa lasheegaya in halkaas oo ka kacay dab xoogan.

Dabkaan ayaa lasheegaya in oo ka kacay goob suuq ah goor dhow asagoo si xooli ah kusocda dabka.

Goob jogayaal halkaas kusugan ayaa hada la hadashay badweyn.com ayaa sheegaya in daminta dabkaas oo yahay mid gaabis ah madaama goobta aan ka ag dhaweyn gadiidka dab damiska.

Dabku aad buu u xoogan yahay, wuuna sii fidayaa, mana jiro dedaal buuran oo lagu deminayo, dadku waa kuwo jahwareersan, waxaa hortooda ka muuqda hantidooda oo gubaneysa waxbana kama qaban karaan” ayuu yiri goob jooge ka tirsan Soomaalida ku nool xerada qaxootiga Xagardheer.

Weli lama oga sababta kicisay dabkan, waxaana xusid mudan in marar badan dab noocan oo kale ah uu qabsaday xerada dhadhaab ee dalka Kenya kuwaasoo geystay khasaare hantiyeed oo aad u fara badan.

 

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM