AKHRISO: Yuusuf Garaad”Murashax Khudbadiisa XIKMAD Kama Hagrado…”


Waxaan dhegeystay ku dhowaad dhammaan khudbadaha murashixiinta u soo istaagay Xilka Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay ka horjeediyeen fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, iyada oo uu goobjoog yahay Guddoomiyaha Aqala Sare, Mudane Cabdi Xaashi, isla markaasna waxaa howsha daaddihinayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Mudane Cabdiraxmaan Beyle.
Qormadani qiimeyn iyo isbarbardhig kuma sameyneyso khudbadaha murashixiinta sababtoo ah ma ahan kaalin ila gudboon in aan u galo. Waxa keliya oo aan kula wadaagayaa sababta aan u daawaday khudabadaha murashixiinta iyo waxa iiga soo baxay.

Maaddaama aan ogahay in murashax kasta uu maskaxdiisa tuujiyay isla markaasna uu la taliyayashiisa iyo taageerayaashiisa uu aqoonta iyo khibradda bidayo aan qiyaasayo in uu ka codsaday in ay wax ku biiriyaan ayaan doonayay in aan miidda ka soo maaxata maskaxahaas oo ku wajahan xalka dalka in aan wax ka barto.

Fikirka aan ka qabo xalka dalka oo ku saleysan khibraddeyda iyo muddo dheer oo ay ahayd mushkilad aan ka fekero, doodo badan oo gaar ah iyo kuwo badan oo saxaafadda ah aan ka yeeshay, shirar lagu gorfeynayo aan ka qeyb galay ayaan doonayay in aan arko inta la ila wadaago, inta la iiga duwan yahay iyo inta cusub ee la igu kordhiyo.

Waxaa kale oo aan u dhegeystay si aan u kala barto murashixiinta iyo fikradaha ay qabaan. Kuwo aan fikradahooda hore u aqaannayna aan arko bal in ay wax ka beddeleen ama ay kobciyeen afkaartooda iyo in kale. Murashixiinta cusub ayaan iyagana doonayay in aan ka dhegeysto in ay afkaar cusub fagaaraha la yimaadeen. Madaxdii hore wax u soo maamushayna waxaan sugayay waxa cusub ee ay soo bandhigayaan.

Ujeeddada saddexaad ee aan u dhegeystay waxay tahay in aan ogaado Baarlamaankan oo ay Xildhibaanno badan oo cusubi ay ku jiraan sida uu u dhaqmo inta ay socdaan khudbadahan muhiimka ah xagga ilalinta wakhtiga, tirada mudanayaasha ka qeyb gala dhegeysiga khudbadaha, wakhtiga ay yimaadaan iyo wakhtiga ay baxaan.

Iyo weliba khudbadaha sida ay uga jawaabaan maalinta ay codka bixinayaan.

Dabcan keligeey ma ahan, fadhigaan oo keliyana ma ahan, laakiin Xildhibaannadu waa in ay ka feejignaadaan in iyada oo fadhi Baarlamaan oo Qaranka muhiim u ahi uu socdo in aynaan ku farxayn marka aan aragno iyaga oo xeyn xeyn u socda ama u fadhiya oo ka sheekeynaya makhaayadaha.
Guud ahaan khudbadaha la jeediyay waxay ahaayeen kuwo aad u sarreeya. Isu geyn wax badan oo fiican lagala dhex bixi karo. Dadka qaarkii waxaa ka muuqatay qiiro, qaar kale waxaa ka muuqatay khibrad, qaar waxaa ka muuqatay in ay aad uga soo shaqeeyeen khudbaddooda iyo soo jeedinteedaba, qaarna inta badan waa ay isku darsadeen astaamahaas.

Khudbaduhu inta ay socdeen waxaa la soo bandhigay aragtiyo qiimo gal ah, waxaa lagu dhiirraday arrimo daakhili ah iyo kuwo xiriirka dibadda ah oo aan inta badan lagu dhiirran, waxaana la faaqiday sax iyo kahaldba wax qabadka Dowladda afartii sano ee na dhaaftay.

Maaddaama murashixiintan labaatan kor u dhaafay uu mid keliyihi xilka qaban doono, waa ay wanaagsanaan lahayd in inta kale aanay dalka isaga tegin doorashada ka dib ee ay isku dayaan in la gacan qabto Madaxweynaha soo baxa lana taageero haddii uu oggol yahay haddii kalena la xisaabtan aan naxariis lahayn lala daba joogo si aan loogu dhiirrin wax isdabamarin, loogana feejignaado waxqabad la’aan.

Waxaan murashixiinta oo dhan, Guddoonka labada Gole, Guddoomiyaha Doorashada, Murashixiinta iyo dhammaanba xubnaha Baarlamaanka iyo SNTV uga mahadcelinayaa seminaarka waddaniyadda iyo qiiro-gelinta ah ee ay na siiyeen muddo saddex maalmood ah.

Marka aad daawato khudbadahan iyo sida ay shacabku u xiiseynayaan waxaa kuu soo baxaya in aan dal wadaagno. Xeeshu waa meesheeda laakiin in aan hoggaanka dalka la kala xigin. In muwaaddiniin badani ay ka fekerayaan xallinta dhibaatooyinka jira iyo horumarinta dalka. In ay Soomaalidu talo wadaag ahaan karto.

Iyo in Soomaaliya oo Dimuqraaddiyadda horseed u ahayd Qaaraddeenna Afrika, ay hadda mar kale Dowladnimadeeda iyo Dimuqraaddiyaddeeduba ay hanaqaadday oo ay hore u socoto.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM