|

Badweyn Chating Click here

Daawo:Labada gudoomiye Barlamaan oo Muqdisho looga tagay”Gaas”Shariif oo diyaarado kale raacay”

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaalia Sh Shariif Sh Axmed ayaa si layaab leh kaga dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa ay ahayd si ka duwan sidii hore ee uu Madaxweynaha kaga safri jiray Magaalada Caasimadda ah Kahor inta uusan ka bixin Magaalada Caasimadda ah Waxaa la xiray dhamaan wadooyinka gala garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho iyo jidadka kale ee Muhiimka ah.

Sh Shariif oo ay lasocdaan Xubno Wasiiro ah ayaa kusii jeeda Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya halkaas oo ay kaga qeyb galayaan kulanka Midowga Afrika.

Waxaa Kulankaas oo dhawaan furmaya looga hadli doonaa Xalada Soomaalia gaar ahaan dhanka amaanka.

Waxaa lasoo hadal qaadi doonaa Guulaha ay Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ka gaareen Dagaalka Al-Shabaab, Howlgalka Itoobiya iyo kuwa Kenya.

Geysta kale waxa daqiiqado kadib magaalada muqdisho kadhoofay Ra’isulwasaaraha dowlada oo u anababay magaalada Daarisalaam ee Dalka Tanzania waxaana safarkiisa ku wehlinaaye qaar katirsan wasiirada iyo Xildhibaano.

Ugu danbeyntii safarka labadaan masuul aya kusoo beegmaayo xili muqqdisho kusuganyihiin Mahiiga iyo Wakiilka Midowga Africa horayna usoo aha Madaxweynihii hore Chana.



Short URL: http://www.badweyn.com/?p=27633

Posted by on Jan 27 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Khalid: salaan kadib, Wilasha qabo gabdho uur leh iyo gabdaha uurka leh. hala taxaro. yaan cunuga in uu soo dhaco...
  • Khalid: salaan dhamaan. intaas kadib. Badweyn waxay isku badashay jaamacadda wax baarto. awal waxay noo sheegi jireen...
  • Amadeo: Xafso haa run machine isticmaal si cusbada iyo calorie jirka kujiro u babaan lkin biraha culculus hau dhawaan...
  • Mclnka: Raxma farxiyo cml ayan aqana wa dolar radis run haday ka tahay hadhahdo wil fican ayan raba o igursado melu...
  • Mclnka: Yaab dheh kakakakaka