|

Badweyn Chating Click here

Dhalinyarada Degaanka Celasha Biyaha haatan kale Oradkii ugu darnaa wado

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa galabka deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ka qaafalay dhalinyaro fara badan oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dhalinyarada la qafaalay ayaa sida dad deegaanka jooga noo xaqiijiyeen, waxaa lagu qiyaasay illaa labaatameeyo kuwaasoo ay Al-Shabaab ka ururiyeen waddooyinka iyo xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha, iyagoo ka dibna u kexeeyey dhanka saldhig ku yaalla deegaanka Lafoole halkaasi oo la sheegay in Al-Shabaab ku leeyihiin xero ay dhalinyarada ugu tababaraan dagaalka.

Mid ka mid ah dhalinyaradii ka baxsatay qafaalka galabta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Badweyn.com u sheegay in markii uu arkay dhalinyaro baabuur lagu gurayo uu ku laabtay guri aabihii degan yahay halkaana uu isku qarinayey galabta oo dhan.

Wuxuu intaa ku daray in dhalinyaradii la qafaalay ay ku jireen arday ka soo laabatay dugsiyo deegaanka ku yaalla iyo qaar ku jiray internet cafe ku yaalla Ceelasha biyaha.

Qafaalkan ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay olole qafaal ah oo ay Al-Shabaab ku qabqabanayeen dhalinyarada ku nool deegaanada ay maamulaansi ay ugu adeegsadaan dagaalada ay kula jiraan DKMG iyo ciidamada AMISOM.

Xilliga qafaalkan uu maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha waxaa masjid ku yaalla halkaasi khudbadii Jimcaha ka dib hadal ka jeediyey Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dadka deegaanka ku dhaliilay inaysan rabin in dagaalada ku gacansiiyaan Al-Shabaab.

Xasan Daahir wuxuu dadka uga digay in haddii ay diidaandagaalka uu ku tilmaamay “jihaadka” iyagana la leyn doono hantidoodada la qaadan doono.

Dad ku sugan magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar ayaa Badweyn.com u sheegay in beryihii u dambeeyey magaalooyinkaasi laga qabqabtay dhalinyaro aad u yar yar kuwaasoo Al-Shabaab ay ka kexeysteen dugsiyada Quraanka iyo markasyada lagu barto diinta oo ay si qasab ah ku galaan ka dibna ay dhalinyarada ka wataan.

Waalidiin dhowr ah oo aan la xiriirnay, isla markaana codsaday inaan la magacabin ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin ololahan sii kordhaya ee Al-Shabaab ku qafaalayaan dhalinta yar yar ee waxbarashada loo diro.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay ka bexeen magaalada Muqdisho bishii Agoosto ee sanadkii hore, isla markaana uu bilawday taagdarida dhanka awooda ee ururkaasi ka soo gaareysay dagaalada ay ku hayaan DKMG, AMISOM iyo ciidamada Kenya iyo Ethiopia ayaa waxaa saddex jibaarmay baaqyada ay Al-Shabaab dadka ugu jeedinayaan inay kala qeybgalaan dagaalada ay ku jiraan, iyadoo ay taasi dheer tahay qafaalka dhalinta yar yar.

Short URL: http://www.badweyn.com/?p=27649

Posted by on Jan 27 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Khalid: salaan kadib, Wilasha qabo gabdho uur leh iyo gabdaha uurka leh. hala taxaro. yaan cunuga in uu soo dhaco...
  • Khalid: salaan dhamaan. intaas kadib. Badweyn waxay isku badashay jaamacadda wax baarto. awal waxay noo sheegi jireen...
  • Amadeo: Xafso haa run machine isticmaal si cusbada iyo calorie jirka kujiro u babaan lkin biraha culculus hau dhawaan...
  • Mclnka: Raxma farxiyo cml ayan aqana wa dolar radis run haday ka tahay hadhahdo wil fican ayan raba o igursado melu...
  • Mclnka: Yaab dheh kakakakaka