Badweyn Chating Click here
Deg deg:Xildhibaan katirsan Puntland oo caawa lagu toogtay Baargaale
Xildhibaan Bile Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa lagu dilay bar control oo ku taalada Degmada Baargaale ee maamulka Puntland.
Qaabka dilka uu u dhacay ayaa la sheegay inay timid ka dib markii israsaaseyn ay dhexmartay ilaalada Xildhibaanka iyo ilaalo kale oo ku sugneyd control-ka laga galo degmada Baargaale.
Rasaasta oo socotay muddo daqiiqado ah ayaa la sheegay in sidoo kale uu ku dhintay mid ka mid ilaaladii ku sugneyd Control-ka magaalada.
Gudoomiyaha Degmada Baargaale ee maamulka Puntland Axmed Gurey oo la hadlay Shabakada Badweyn ayaa sheegay in sido kale ay jiraan dhaawacyo ka dhashay rasaasta dhexmartay ilaalada xildhibaanka geeriyooday iyo ilaalada ku sugneyd control-ka laga galo magaalada Baargaale.
Ilaa shan ruux oo labada dhinac ee israsaaseeyay ayaa la sheegay inay dhaawacyo soo gaareen
Dhanta ruux ee dhaawacantay ayaa ahaa seddex ilaalo u ah xildhibaanka geeriyooday iyo labo ka mid ilaalada Conrol-ka magaalada Baargaale.
Sanadihii ugu dambeeyay Degmada Baargaale iyo deegaano hoostaga waxaa ka jiray maamulka la magic baxay Raascaseyr Land.
Xildhibaanka Bille Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay in magaalada Baargaale u aaday arin la xiriiray usameynta Golle deegaameed oo maalmahaanba ay wadeen maamulka Puntland.
Short URL: http://www.badweyn.com/?p=27645
